Abwaan Abokor Caamir Oo U Jawaabay Abwaan Cismaan Kujare Madaxweyne Muuse Biixi gabyey
Abwaan Abokor Caamir Oo U Jawaabay Abwaan Cismaan Kujare Madaxweyne Muuse Biixi gabyey Gabay haduu macaan leeyihiyo muhandis qiimeeya.
Ama geed mahwiya laga tirshiyo madal lasoo ooday.
Ama maqalka aadmigu jantoo marag fur loo qaato.
Ama mahadi eebiyo xadiis nabiyo maamuus leh..
Ama uu mudeec yahay abwaan lagana maarmaynin.
Kani waa madheedhkii gugiyo midhishidii hawde.
Murti weeye magac loo xishiyo madhax awawgaye.
Waa maydab geeloo
Wixii dawlad lugu mahadin jiray Keene madashiiye. Qarankoo midnimo lagu dhisiyo Shacab la maamuusay. Dimuquraadi aan muran lahayn madax lasoo doortay. Miisaanki xeerkiyo sinaan loo mashxaradaayo. Muruq iyo aqoon wada socdiyo Mundane qiimeeya. Beeraha lamaagiyo canbaha muuska lgu beeray . macadantii dalkeenoo lahelay Malab lasoosaaray. saliid maayadoo loogu tegay ciida lags miirye Maskax horumar keentiyo aduun loo mitibinaayo. Bulshadoo muraad wada lehoo
meel uwada jeeda. Qarankoo milgii uu lahaa magaci dhawraaya. Musuqmaasuq iyo tuugadii meesha Laga saarye. Maxakamad sharciga loo maroo shiikh muftiyi joogo. Milateri hubkoodii sitoo maash u soconaaye. Oo aan ka maagayn halkii cadaw kasoo muuqdo. Diintoo maqaamkay lahayd Lagu macnaynaayo. Mulaaxsiga wanaagiyo xumaan lama masaysiine. Umadyahay nimcadan muuqatee mowle inasiiyey. Ku masayre makhluuqii waxbadan muumin quruxdiiye. Waxaa jira midaan mahadinayn maasha nabadaase. Majaxaabin qaar kula raboo miiganbaa jira e Is miskaansi baad kaga baxdaa mool laguu qoday
By Wariye Idiris Maxamed Dabshid
Sawirka Madasha
dhashiyo mudanti qaalmoode.
Arag maqal tixdaan marinayoo hadalka meeleeya.
Ma ogtahay milgahan dawladnimo qankan muunaysan.
Ma ogtahay macaash Laguma helin muran la-aaneede.
Madfac iyo rasaas murugtayoo madax gaynaysa.
Mayd lagu baroortiyo haween murugo tiicaaya
Madigiyo haldoorkoo baxoo maash u dhimanaaya.
Maalkoo laquudhoo hadana lala masuugaynin.
Cadawgii markii lags mulkiyey mudanti ciideena.
Markay guushu midigteena tim sees lasoo mariye.
Shacabkii intay maar qodeen moos kusoo xidhe.
Waa muraayad soomaliland
Lagu mubsuudaaye.
Wixii dawlad lugu mahadin jiray Keene madashiiye. Qarankoo midnimo lagu dhisiyo Shacab la maamuusay. Dimuquraadi aan muran lahayn madax lasoo doortay. Miisaanki xeerkiyo sinaan loo mashxaradaayo. Muruq iyo aqoon wada socdiyo Mundane qiimeeya. Beeraha lamaagiyo canbaha muuska lgu beeray . macadantii dalkeenoo lahelay Malab lasoosaaray. saliid maayadoo loogu tegay ciida lags miirye Maskax horumar keentiyo aduun loo mitibinaayo. Bulshadoo muraad wada lehoo
meel uwada jeeda. Qarankoo milgii uu lahaa magaci dhawraaya. Musuqmaasuq iyo tuugadii meesha Laga saarye. Maxakamad sharciga loo maroo shiikh muftiyi joogo. Milateri hubkoodii sitoo maash u soconaaye. Oo aan ka maagayn halkii cadaw kasoo muuqdo. Diintoo maqaamkay lahayd Lagu macnaynaayo. Mulaaxsiga wanaagiyo xumaan lama masaysiine. Umadyahay nimcadan muuqatee mowle inasiiyey. Ku masayre makhluuqii waxbadan muumin quruxdiiye. Waxaa jira midaan mahadinayn maasha nabadaase. Majaxaabin qaar kula raboo miiganbaa jira e Is miskaansi baad kaga baxdaa mool laguu qoday
By Wariye Idiris Maxamed Dabshid
Sawirka Madasha

Comments
Post a Comment