Daawo Tvga Qaranka Wararkii Ugu Danbeeyey Somaliland Madaxweynaha Oo La Kulmay Guurtida Iyo Wakiilada Hanti Dhoowraha
Kulankan oo ahaa kii u
horeeyey ee shirgudoonka labada gole ay madaxweynaha ugu yimaadaan ayaa
daranaa is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi,
qodobadan

1. Waxa laga wada hadlay oo xooga la saaray adkaynta iyo sii xoojinta nabadgelyada dalka
2. Diyaar
garawga iyo dhamaystirka xeerarka doorashooyinka wakiilada iyo
golayaasha deegaanka intaan la gaadhin 13-March-2019ka, waxaanu
madaxweynuhu labada gole xog ka siiyey kulan uu la yeeshay guddida
doorashooyinka qaranka oo la xidhiidha diyaar garawga doorashooyinkaasi
3. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo xidhay Xoojinta iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumadda iyo labada gole.
Kulankan ayaa daba
socda kulamo muhiima oo madaxweynuhu maalmihii u danbeeyey la yeelanayey
masuuliyiinta ugu saraysa dalka oo ujeedadiisu tahay adkaynta iyo wada
jirka danta qaranka iyo ta shacbigaba.
Wariye Idiris Maxamed Dabshid
Comments
Post a Comment